SIYAASADA SICIR BARARKU WAA GOLE-KA-FOOL SOCONA MAYSO. ADEEGA ZAADKA WAA LAGU GEFAY.SABABAHA KEENAY SICIR BARARKA & XAL CILMIYAYSAN. “ QORMADA KOWAAD”

245
dr hoodo yuusuf

Madaxwayne Siilaanyo waxay qaaday tallaabooyin Gole-ka-fool ah oo aan cilmi dhaqaale iyo maaliyadeed “ Fiscal & Monetary Policy “. Adeega ZAADKU & Edahab shaqo kuma laha sicir baraka . Waa adeegyo bulsho oo loo baahanyahay , muddo dheerna shaqaynaayay. Waxaan hoos ku sharxi doona sababaha keenay sicir bararka iyo tallaabooyinka ku haboon ee lagu xalin karo.

1). XADIGA LACAGTA “MONEY SUPPLY “

Sicir bararaku wuxuu ku xidhanyahay xadiga lacagta ee suuqa ku jirta . Marka lacagta suuqa ku jirta badato, waxa kor u kaca sicirka alaabta iyo khadamaadka “ goods & services” . Sidu Eng Mohamed Xaashi Cilmi iftiimiyay , Wasiir Samaale saddex jeer ayuu soo daabacay lacag xad dhaaf ah oo aan loo baahnayn.Lacagta xumi waxay eryata lacagta wanaagsan “ Bad money chases out good money “. Lacagta lasoo dabaacay waxay eryatay doolarkii oo qiimaheesa kor u kicisay.Lacagtaasi waxay ka baxsanayd “Budgetka” dawladda waxaana loo isticmaalay Doolar Uruursi “ US Dollar Hoarding’”, Olole siyaasadeed, Xaflado iwm. Markay doorashadu soo dhawaatay 70 ka Wasiir & Wasiir Ku Xigeen waxay uruursanayaan doollar inta aan xukunka lagala wareegin.
2). KOOTO XIDH “ OLIGOPOLY “
Somaliland waxay qaadatay nidaamka dhaqaale ee loo yaqaan suuqa xorta ah “Free Market Economy “. Xukuumadu waxay habkaas ku bedeshay kooto xidh ‘Oligoboly”. Marka ganacsiga kooto loogu xidho qof ama laba , waxay u suurta gelinaysaa in alaabta ay soo dejiyaan ku iibiyaan sicirka ay doonaan. Tusaale ahaan, shidaalka “ Fuel” waxa kooto loogu xidhay koox-yar oo weliba lagu daray Haamahii shidaalka. Sicirka Foostada baatroolka ahi wuxuu gaadhay $ 114 per barrel bishii May, 2014. Maanta qiimaha foostadu baatroolku waxuu marayaa $ 45 per Barrel, balse litreka shidaalku hoos uma dhicin gudaha Somaliland. Wuxuu weli taaganyahay halkii uu taagnaa May, 2014. Faraqa waxa jeebka ku shuubta kooxda yar ee kootada loogu xidhay shidaalka . Taasna waxa sababay kooto-xidhka uu Kulmiye keenay ee lagu naas nuujinaayo Gafanayaal iyo dhiigmiirato uu ka mid yahay Gafane Ina Aw Saciid.
3) DOLLARISATION. Dhaqaalaha Somaliland waxa lagu tilmaamaa “ Dollarized economoy “. Waxay la macno tahay marka Xukuumaddu kalsoonida kala noqoto lacagta dalka “ Legal tender” isla markaa isticmaasho,kaydsato, kuna sicir goosato Dollarka Maraykanka. Doolarku waxa dalka kasoo galaa qurbajoogta, dhoofinta xoolaha nool iyo NGO’s. 90% waxa dolarka urursada Ganacsatada waawayn , iyo Xubnaha Xukuumadda. Markuu doolarku suuqa ku yaraado qiimahiisu kor ayuu u kacaa, noloshuna way la kacdaa , waxaana ku dulman muwaadinka aan doolar haysan . Dawladaha “ Dollarised” ka waxa ka mid ah Panama, Ecuador, Salavdor oo dhaqaalahoodu ku xidhanyahay USA.
4 ) KORDHINTA CASHUURTA DADBAN “ INDIRECT TAX “.
Cashuurta Dadbani “ indirect Tax “ waa cashuurta la saaro alaabta ganacsiga ee laga soo dejiyo dekedaha sida bariiska, timirta, dharka, saliida iwm. Marka la kordhiyo Cashuurta dadban , ganacsadahu sicirku kordhiyaa, waxa dhaca sicir barar dhibtuna waxay gaadha saboolka.Xukuumada Somaliland waxay si isdaba-jooga u kordhisaa cashuuraha dadban.Waxa ugu danbeeyay cashuurta xad-dhaafka ee dhawaan la dulsaaray kontainerada oo kor-kacay 67%.
La soco qormada danbe “ Xalka Sicir Bararka “

Drs Hoodo Yusuf, London, UK.