Tottenham Oo Guul Ka Hor Joogsatay Man City, Dhibaatada Dhamaystir Xumada Sky Blues Oo Halkeeda Ka Sii Socota Iyo Spurs Makale Xaalada Ku Xumaysay Guardiola Iyo Wiilashiisa City.

569

 

Manchester City ayaa iska tuurtay hogaanka ciyaarta ay 2:0 ku haysay waxayna Tottenham samaysay soo laabasho cajiib ah si ay xaalada ugu sii xumayso Guardiola iyo wiilashiisa Sky Blues oo markale ku fashilmay in ay muujiyaan awoodooda gool dhalineed. Leroy Sane iyo Kavin De Bruyne ayaa u muuqday in ay Man City guul ku hogaamiyeen laakiin Dele Alli iyo Heung-Min Son ayaa diiday in Tottenham ay guuldaro kala soo laabto Etihad Stadium waxayna la bada kooxood dhibcaha ku qaybsadeen barbaro 2:2 ah basle kooxda Guardiola ayaa lumisay fursado aan tiro lahayn.

Manchester City ayaa kaalinta shaanad baaqi ugu sii ahaan doonta 43 dhibcood waxayna 9 dhibcood ka hoosaysaa Chelsea oo aan wali ciyaarin kulankeeda Hull City halka Tottenham ay kaalinta labaad ugu jirto 46 dhibcood isla markaana ay ka sare martay Liverpool oo ay isku dhibco ahaayeen.

 

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

MANCHESTER CITY (4-1-4-1): Bravo; Zabaleta, Otamendi, Kolarov, Clichy; Toure; Sterling, Silva, De Bruyne, Sane; Aguero.

KAYDKA: Kompany, Fernando, Nolito, Caballero, Delph, Stones, Gabriel Jesus.

TOTTENHAM (3-4-3): Lloris; Dier, Alderweireld, Wimmer; Walker, Wanyama, Dembele, Rose; Eriksen, Alli, Kane.

KAYDKA:Son, Vorm, Trippier, Sissoko, Winks, Davies, Carter-Vickers

Manchester City oo doonaysay in ay ka soo kabsato ceebtii Everton ka soo gaadhay ayaa ciyaarta qaab ciyaareed fiican ku bilaabtay laakiin kooxda Guardiola oo xili ciyaareedkan caado ka dhigatay in ay fursado badan lumiso ayaan dhaqankeedii waxba ka badalin waxayna markale ku noqotay u qaadan waa in ayna qaybtii h–e ee kulankan wax gool ah la iman.

Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad Stadium wax kasta ka samaysay qaybtii h–e ee kulankan marka laga reebo in goolhaye Huglo Lloris uu uga dhaartay in ay shabiqiisa gaadhaan. Tottenham ayaa qaab ciyaareed fiican ku bilaaban balse waxay awooday in ay iska caabiso weerarka kooxda Guardiola taas oo wax wayn u ahayd in ay ciyaarta baaqi ku sii ahaadaan.

Inkasta oo ay labada kooxoodba guul u baahnaayeen ayay haddana Manchester City ahayd kooxda uu culaysku ku saarnaa in ay Tottenham ka guulaysato si ay iskugu daydo in ay sare u soo qaado hamigeeda hoos u dhacay ee koobka horyaalka Premier leaque-ga. Laakiin qaybtii h–e ee kulankan muu jirin wax labada kooxood kala saaraa.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta xamaasada ayaa noqotay mid ka duwan sidii qaybtii h–e waxayna Manchester City soo laabtay iyada oo dhaarsan isla markaana dooonaysa in ay dhaafto difaaca dhibaatada ku noqday ee Tottenham.

DAQIIQADII 49 AAD GOOOOOOOOOOOL! Manchester City ayaa guu danbayn heshay goolkeeda furitaanka waxaana goolkan hadiyada u bixiyay goolhayaha Tottenham ee Hugo Lloris kaas oo si xun ugu fashilmay in uu madaxa la helo kubbada uu doonayay in uu iska saaro oo uu De Bruyne ku soo tuuray goolka Tottenham laakiin waxaa hadiyadan ka faa’iidaystay da’yarka  Leroy Sané kaas oo goolka oo madhan kubbada ku taabtay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay City hogaanka ciyaarta ku qabtay.

DAQIIQADII 54 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL! Goolhaye Hugo Lloris ayaa markale khalkhlay wuxuuna markale sameeyay qalad wayn oo Manchester City ka caawiyay in ay la timaado goolkeeda labaad waxaana markan qaladka Lloris ku ciqaabay Kevin De Bruyne kaas oo ciyaarta ka dhigay 2:0 ay City si deg deg ah hogaanka ciyaarta ugu dheeraysatay.

DAQIIQADII 58 AAD Tottenham ayaa markeeda heshay goolka ay ciyaarta ugu soo laabtay waxaana markale geesigooda noqday  Bamidele Alli kaas oo goolkan ku dhaliyay kubbad uu soo karoosay Walker isla markaana uu Kolarov awoodi waayay in uu iska saaro waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay wali City hogaanka ciyaarta ku hayso. Waxaa la galay sagaal daqiiqo oo saddex gool lagu dhaliyay isla markaana ay xamaasadu cirka qabtay.

DAQIIQADII 65 AAD Tottenham ayay dhibaato dhaawac soo gaadhay waxaana ciyaarta laga saaray xidiga saamaynta badan ee Toby Alderweireld waxaana lagu soo badalay Harry Winks. Tottenham ayaa markan bilawday in ay raadiso goolka barbaraha haka City ay baadi goob ugu jirtay goolka ay ciyaarta ku dili lahayd.

DAQIIQADII 76 AAD Raheem Sterling ayaa kooxdiisa Man City ka lumiyay fursadii ay ciyaarta ku dili kareen kadib markii uu kubbada la soo gaadhay wajiga Hugo Lloris kaas oo markan sameeyay badbaadin fiican wuxuuna Guardiola muujiyay cadhada wayn ee uu ka qaaday fursada dahabiga ah ahayd ee uu kooxdiisa ka qasaariyay.

DAQIIQADII 77 AAD GOOOOOOOOOOOL! Dhalin waaye waa loo dhaliyaa!!! Waa erayga ugu haboon ee lagu qeexi karo fursadii uu lumiyay Sterling iyo hal daqiiqo kadib goolka uu Heung-Min Son u saxiixay kooxdisa Tottenham si uu Spurs ciyaarta ugu soo celiyo wuxuuna goolkan Heung-Min Son ku dhaliyay kubada si fiican looga soo shaqeeyay oo uu Harry Kane caawinteeda sameeyay laakiin markale Claudo Bravo ayaa ku fashilmay in uu wax badbaadin ah sameeyo waxayna ciyaartu noqotay barbaro 2:2 ah.

DAQIIQADII 82 AAD Waxaa yimid waqtigii ay jamaahiirta Manchester City sugaysay in ay arkaan Gabriel Fernando de Jesus oo kaas oo lagu soo badlaay Raheem Sterling. Labadii taabasho ee ugu horeeyay ayuu Gabriel mid fursad gool lagu dhalin karo ku abuuray halka uu taabashadii labaad ugu dhawaaday in uu gool ku dhaliyo.

DAQIIQADII 83 AAD GOOOOO….???? Gabriel Jesus ayaa si deg deg ah shabaqa u soo taabtay laakiin dabaal degiisa iyo qarixii uu ka abuuray Etihad Stadium ayaa la soo gaabiyay kadib markii uu calanwaduhu tilmaamay in da’yarka ree Brazil uu offside ku jiray kaas oo ahaa go’aan sax ah.

Ugu danbayn labada kooxood ayaa awoodi waayay in ay la yimaadaan goolka guusha taas oo keentay in ay Etihad Stadium dhibcaha ku qaybsadaan. Manchester City ayaa kaalinta shaanad baaqi ugu sii ahaan doonta 43 dhibcood waxayna 9 dhibcood ka hoosaysaa Chelsea oo aan wali ciyaarin kulankeeda Hull City halka Tottenham ay kaalinta labaad ugu jirto 46 dhibcood isla markaana ay ka sare martay Liverpool oo ay isku dhibco ahaayeen.