Xamda Yar oo warqad soo qabasho ah la dhigay madaarka Hargeisa

3582

Fanaanada Xamda Yar oo ka tirsanaan jirtay fanaaninta Hargeisa kuwooda cusub ayaa wayahan danbe ku sugnayd magaalada Muqdisho oo u joogtay hawlo faneed ay ku casuumeen fananinta reer Muqdisho ayaa warar is khilafsani soo baxayaan in ciidamada amaanka ee airpotka Hargeisa lagu war faliyey in ay soo qabtaan fanaanadas markay garoonka soo cago dhigato dhawaan.

Xiritaanka fanaanadan ayaa lagu aanaynaya in ay af lagaado iyo hadalo duur xul ah oo kasoo horjeeda jiritaanka Somaliland ay ka sheegtay tvyada oo ay hadalo deel qaaf ag ka tidhi Somaliland.

Si kastaba ha ahaate waxaa isla magalada Muqdisho ku sugan imika fanaanada caanka ah ee Yurub Geenyo oo show ka dhigi doonta iyaduna Muqdisho, sidoo kale waxa kusoo wajahan Hargeisa Farxiya Kabayare oo iyadana lagu xanto in ay Somaliland dhawr jeer af lagaadaysay.

Si kastaba ha ahaate maaha marki ugu horaysay oo fanaan reer Somaliland ah lagu qabsado Xamar ayaad kasoo heestay ama tagtay.

Kala soco wixi kusoo kordha Wardoonnews.com