Faahfaahiyey Qodobada Ay Ku Heshiyeen Shirkadaha Telesom , Dahabshiil iyo Xukuumada Somaliland

403
wasiirka madaxtooyada somaliland

Hargeysa (Wardoonnews):- Wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyey qodobada ka soo baxay kulan galabta ilaa caawa dhex maray shirkada Telesom , Dahabshiil iyo xukuumada Somaliland .

Wasiirku waxaa uu sheegay in ay labada dhinac ay isku afgarteen qodobada ay ka mid yahiin

1. In la dhaqan galiyo go,aamadii xukuumadu ka soo saartey sicir bararka isla markaana shirkada Telesom ay aqbashay go,aamadaas

2. In Dib u eegis lagu samaayo wakhtiga loo qabtey adeegyada Zaad iyo E-Dahab in la joojiyo isticmaalka waxii ka yar $100 , isla markaana ay xukuumad ahaan garwaaqsadeen in uu wakhtigaasi ku yar yahay

Halkan hoose ka daawo