Maxaa ka jira in Daahir Rayaale Kaahin heshiisyo hoose la galay xisbiga WADDANI+ xog rasmi ah

1846

Madaxweynihi hore e Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa saak kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalda Hargeisa, halkaas oo ay kusoo dhaweeyen siyaasyin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Wadani oo iyagu baryahan danbe la lahaa xidhiidh hoosaadyo intii u ku maqnaa dalka dibadiisa.

Soo dhaweynta Daahir Rayaale ayaa xukuumada Somaliland ka biyo diiday soo dhawyntiisa maadama ay ku mashquulsanaayen xaflad loogu cumaamadayey Jamal Cali Husen oo lagu soo dhaweynayay xisbiga haatan siyaasadiisu wiiqantay ee Kulmiye.

Dahir Rayaale Kaahin ayaa isagu waqtiyadii u danbeeyayba diidana qaabka uu xisbiga Kulmiye dalka u maamulayo isagoo xisbiyada mucaaradka ah la kulmi jiray mar kasta oo uu dalka yimaadaba haba u badnaado xisbiga Wadaniye, haddana mar kaliyah lagama maqlin in uu taageersan yahay xukuumada talada dalka gacanta ku haysa maadama oo ay jiraan siyaasiyiin ay si ba’an isaga hor yimaadeen oo hor kacaya dawlada ka jirta Somaliland.

Xisbiga Wadani ayey ahaayeen dadka kaliyah ee soo dhaweeyay madaxweynihii hore e Somaliland saaka kaas oo ay ku hareersanaayen siyaasiyin culus oo ay ka mid yihiin madaxweyne ku xigeenka Wadani oo isna kasoo jeeda gobolka Awdal iyo Xildhibaan Xoog oo isna ay saaxib dhaw yihiin Dahir Ryaale Kaahin.

Madaxweynihi hore e Somaliland Dahir Rayaale Kaahin hore ayuu u yidhi inuu yahay gaws danbeedka xisbiga Wadani balse waxaa la filaya in uu si toos ah ugu biiri doono Xisbiga Wadani oo uu ayaamihi u danbaysay kulamo si joogta ah ula lahaa.

Wixii kasoo baxa kala soco Wardoonnews.com